Loollankii quwadaha gobolka ayaa weli sii socday.
Wadamada kala ah Iiran, Israail, Sacuudiga, Turkiga, Mareykanka, Ruushka iyo shiinaha.
Wadamadan waa wadamo ku loolamaya technologyda ,dhaqalaha iyo Hubka.
Hase ahaate waxaanu ka hormarindoona qodobkaan.
Yemen:
Dagaalkii sokeeye kadib Buburkii dowladii yemen ?
Yemen waxay gashay dagaal sokeeye oo aad u weyn kaddib qalalaasihii siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan markii Xuutiyiintu ay sanadkii 2014 la wareegeen qaybo muhiim ah oo dalka ka mid ah, oo ay ku jirto caasimadda Sanca.
Sanadkii 2015, Sacuudiga iyo xulafadiisu waxay bilaabeen faragelin militari iyagoo taageeraya dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay,si ay ula dagalaman garabka hubeysan ee xuutiyiinta .
Sidaas ayayna arrintii yemen isu badashay waji kale .
Sidaas darteed
Waxaa jira garabyo hubaysan oo kala duwan oo ku dagaallama Yemen, laakiin Xuutiyiinta ayaa noqday kooxda ugu awoodda badan ee ka talisa waqooyiga dalkaas , xiriir dhowna la leh Iran, isla markaana lagu yaqaan inay ka hesho taageero kala duwan sida diyaradaha aan duliyaha aan lahayn iyo gantalada kala duwan hqdey noqoto .
Insha’Allah, barnaamij kale ayaan si gaar ah ugu faahfaahin doonaa waxa ka socda gudaha Yemen, cida isku heysa iyo cidda ay Xuutiyiintu yihiin iyo sababta ay Yemen uga noqotay meel muhiim gaar aahaan marinka muhiimka ah ee babul mandab.
Ugu dambayn aan u imaano : Weerarkii 7-da Oktoobar 2023
7-dii Oktoobar 2023, weerarkii ay xogaga iska caabinta Xamaas iyo kooxo kale oo hubaysan ku qaadeen Israel wuxuu sababay dagaal ballaaran oo beddelay jihada siyaasadda iyo amniga Bariga Dhexe.
Israel waxay billowday duqeymo iyo hawlgallo militari oo baaxad leh oo ka dhacay Gaza, iyadoo sheegtay inay doonayso inay burburiso awoodda militari ee xoogaga iska caabinta ee Xamaas.
Dagaalku kuma ekaan Gaza oo keliya. Saameyntiisu waxay gaartay Lubnaan, Iran, Yemen iyo meelo kale oo gobolka ah. Xiisaduna waxay gaartay heer ay Israel duqeymo ka fulisay gudaha Qatar, taas oo muujisay sida uu khilaafku uga gudbay xuduudihii hore.
Dagaalka Gaza wuxuu sababay dhimasho iyo burbur aad u baaxad leh, iyadoo tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ku dhintay dagaalka ay gaartay tobannaan kun, kuwa ugu badanina ay yihiin haween iyo carruur.
Xitaa kaddib heshiisyo xabbad-joojin ah iyo dadaallo diblomaasiyadeed, walise xaaladdu si buuxda uma degin.
Haddaba maanta maxaa socda?
Waa su’aal mudan in aan isweydiino?
Sanadkii tagay iyo kan aan ku jirno 2025 iyo 2026, Bariga Dhexe wuxuu galay marxalad cusub oo ka sii adag tii hore.
Waxaa sii xoogaystay iska horimaadyada u dhexeeya iran iyo xulafadeeda iyo mareykanka oo Isreal oo xulafa ah .
Doorka Qarsoon Ee Quwadaha Calamka?
Laakiin maxay arrimahaasi ka dhigan yihiin?
Yaa dagaallamaya?
Yaa xulafo ah?
Yaa taageeraya dhinacyada dagaallamaya?
Yaa meel dhexe iska taagay?
Yaa dano ka leh dagaalka?
Ugu dambaynna, maxa innaga Soomaali ahaan naga khuseeya ?
Insha’Allah, qormada xigta ayaan mid mid ugu kala qaadi doonaa .
@FikradahaXorta